Zlatan Ibrahimovic oo lagu soo daray KABTANNADA Man United…(Goormaa loo ogol yahay inuu xirto calaamada KABTANKA?)

zltan

(Manchester) 05 Agoosto 2016. Goor dhow uun ayuu ku soo biiray Masraxa Riyada laakiin waxaa durba loo arkay hogaaamiye dabiici ah.

Tababare Jose Mourinho ayaa ka dhigay saxiixiisa cusub ee Zlatan Ibrahimovic kabtan ku xigeenka kooxda.

34-jirka weerarka ka ciyaara ayaa xiran doona kabtanimada Red Devils marka ay kooxda ka maqan yihiin labada rugcadaa ee Wayne Rooney iyo Michael Carrick.

Muddo ayuu kabtan u soo ahaa xulkiisa Sweden khibrad ku filan ayuu ka heystaa dhanka hogaaminta.

“Qaar ka mid ah saaxiibada kale, gaar ahaan da’yarta, way xushmeeyaan Zlatan,” Sidaa ayaa lagu yiri war laga helay Man United.

“Wuxuu leeyahay khibrad heerarka ugu sarreeya waxaana loo arkay KABTAN cad, marka ay saaxiibada kale garoonka ku jirin.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close