RASMI: AC Milan oo la wareegtey daafaca Gustavo Raúl Gómez Portillo (Daawo)

(Milano) 05 Agoosto 2016 – AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay soo qaadatay daafaca reer Paraguay ee Gustavo Gomez.

Daafacan ayaa San Siro ku imanaya heshiis amaah ah oo sanad ah, iyadoo ay waajib tahay inay sanad kaddib lagu iibsado lacag loo badinayo €8.5m.

Daafacan 23-jirka ah oo kasoo wareegey kooxda reer Argentine ee Atletico Lanus, ayaa warkiisa lagu baahiyey Twitter-ka kooxda San Siro.

“Qof cusub baa kusoo biiray Rossoneri: soo dhowoow Gomez,” ayaa lagu yiri war lasoo dhigay.

Gomez ayaa AC Milan kusoo biiray isla maanta oo la xaqiijiyey inuu Silvio Berlusconi kooxda ka iibiyey ganacsato Chinese ah.

Gomez waa laacibkii ugu horreeyay ee Paraguay ah ee u safta kooxda AC Milan wuxuuna dhowr eray ka yiri imaanshihiisa.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan awood u yeesho inaan u dheelo naadi Milan oo kale ah,” ayuu 23-jirkani sheegay “Waan ku faraxsanahay inaan kusoo biiro Serie A, waxaana doonayaa inaan naadigan horyaalka la hanto.” ayuu raaciyey Gomez oo u mahadceliyey kooxdiisii hore.

https://www.youtube.com/watch?v=goqQOn39NkM

b1

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close