PSG oo xadiday qiimaha ay ku iibinayso weerar yahankeeda Edison Cavani

(Paris) 05 Agoosto 2016 Kooxda reer France ee PSG ayaa xadiday qiimaha ay ku iibinayso weerar yahankeeda Edison Cavani kaas oo diirada u saaran qaar kamid ah kooxaha qaarada yurub.

Inkasta oo uu kooxda katagay weerar yahankoodii hore ee Zlatan Ibrahimovic kaas oo ku biiray Man United ayuu hadana Edison Cavani qorshaynayaa inuu isaga tago kooxda reer France.

La Gazzetta dello Sport ayaa baahisay in kooxda PSG aysan diyaar u ahayn inay iska iibiso xaggaagan Edison Cavani balse haddii ay noqoto ay ku fasixi doonaan aduun dhan 80 milyan oo euro.

Inter Milan ayaa aad u doonaysa saxiixa Edison Cavani waxayna doonayaan inay ku buuxiyaan booska la filayo inuu baneeyo weerar yahanka reer Argentina ee Icardi kaas oo ku wajahan kooxda Napoli.

PSG ayaa doonaysa inay dib ugu iibiso Edison Cavani qiimihii ay ku soo iibsatay 4 sano ka hor markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Napoli.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close