”Iibka AC Milan waa xanuun badan yahay balse waa mid daruuri ah waayo waa la maalgelinayaa” – Berlusconi oo uu eraygii ugu horreeyay kasoo baxay kaddib iibka Milan + Sawirro

(Milano) 05 Agoosto 2016 – Silvio Berlusconi ayaa go’aanka uu 30 sano kaddib ku iibiyey kooxdaAC Milan oo gashay gacmaha dallad Chinese ah ku tilmaamay mid ‘xanuun badan balse daruuri ahaa.’

Maalqabeenkan 79-jirka ah ayaa kooxda Rossoneri ka iibiyey Yonghong Li oo uu wakiil ka ahaa Han Li, iyadoo kooxda lagu iibsadey €740m oo euro.

Berlusconi, wasiirkii 1-aad ee hore ee Talyaaniga, oo hadal gaaban siiyey warfidiyeenka ayaa dhanka sheegay inuu qiime dhimis sameeyay si kooxda loo maalgeliyo oo loogu soo iibiyo laacibiin cusub.

“Iibka Milan wuu xanuun badan yahay waase mid daruuri ah,” ayuu Berlusconi u sheegay Agi.

“Waxaan ka tanaasuley lacag badan si kooxda maalgelin cusub loogu sameeyo.”

b

b b2

b

ROME, ITALY - MAY 21: Team of AC Milan prior the TIM Cup match between AC Milan and Juventus FC at Stadio Olimpico on May 21, 2016 in Rome, Italy. (Photo by Giuseppe Bellini/Getty Images)
ROME, ITALY – MAY 21: Team of AC Milan prior the TIM Cup match between AC Milan and Juventus FC at Stadio Olimpico on May 21, 2016 in Rome, Italy. (Photo by Giuseppe Bellini/Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close