Guardiola oo beegsanaya goolhayaha Inter Milan ee Samir Handanovic

Samir Handanović

(Manchester) 05 Agoosto 2016 Tababaraha kooxda Man City Pep Guardiola ayaa beegsanaya goolhayaha kooxda Inter Milan ee Samir Handanovic suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

La Gazzetta dello Sport ayaa baahisay in tababare Guardiola uu beegsanayo 32 jirka reer Slovenia ee Samir Handanovic kaas goolka u waardiyeeya Inter Milan gaar ahaan haddii uu ku guul daraysto soo xero galinta goolhayaha Real Sociedad ee Rulli.

Inter Milan ayaa doonaysa inay iska fasaxdo Samir Handanovic si kooxdu ay u ilaaliso sharciga dhaqaale wanaaga ee kooxaha qaarada yurub.

Samir Handanovic ayaa doonaya dhankiisa inuu ku biiro koox ka ciyaaraysa koobka horyaalada yurub taas oo u fududaynaysa Man City saxiixa goolhayaha reer Slovenia.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close