Imise laacib ayaa Real Madrid ka maqnaan doonta koobka Super Cup ay talaadada la yeelan doonaan Sevilla?

real madrid

(America) 04 Agoosto 2016. Dhowr xiddig oo muhiim ah ayaa ka maqnaan doonta Real Madid kulanka ay talaadada la yeelan doonto kooxda Sevilla koobka Super Cup oo ay wada ciyaaraan kooxda soo qaada Champions League iyo mida ku  soo guuleysata Europe League.

Los Blancos ayaa waxaa ka maqnaan doona Cristiono Ronaldo oo dhaawac ka soo gaaray ciyaartii finalka ee Euro,  Modric, Pepe iyo Tony Kroos oo iyana qeyb ka ahaa Euro 2016, waxaa kaloo dhaawac ku maqnaan doona goolhaye Keylor Navas.

Super Cup: Real Madrid boss Zidane all but rules trio out

Tababare Zidane oo hadlay kaddib goolkii madiga ay kaga adkaadeen Bayern Munich ayaa yiri: “Diyaar ayaan u nahay Super Cup kaddib saddex kulan iyo saddex usbuuc oo shaqo ah, kooxdu waa diyaar, talaadada waa kulankeenii ugu horreeyay oo wayn.

“Ma u maleynayo inay ciyaari doonaan Gareth Bale, Toni Kroos iyo Pepe, waa inay soo laabtaan. Waxaan ku arki doonaa iyaga Madrid.

Tababare Zidane ayaa sidoo kale shaki ka muujiyay xaalada Karim Benzema wuxuuna yiri mar uu ka hadlayay: “Wuu nala joogi doonaa waana arki doonaa intaa kaddib. Iminka waa OK isaga, si fiican ayuu sameynayaa, laakiin tababar nalama uusan sameyn, way adag tahay marka aad tababarka u sameyn karin sida caadiga ah, kooxda ayuu la joogi doonaa sabtida, talaadadana waan arki doonaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close