“Adiga iib ma tihid.”. Milkiilaha Leicester City oo kaftankan ku niyad jabiyay taageerayaasha Arsenal

Leicester City owner jokingly rules out Mahrez sale

(England) 04 Agoosto 2016. Waxay u muuqataa in Riyad Mahrez uu sii joogi doono kooxda Leicester City, warkan ayaana aqbaar xun u noqon doona taageerayaasha Arsenal oo filayay saxiixa xiddiga reer Algeria.

Laacibka ugu fiican Premier League ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa si wayn lala xiriirinayay inuu xagaagan ku biiro Gunners, laakiin milkiilaha kooxda lagu naaneyso Foxes ee ichai Srivaddhanaprabha ayaa soo dhigay boggiisa Instagram war niyad jabiyay jamaahiirta Arsenal.

Srivaddhanaprabha ayaa soo dhigay sawir isagoo dhagta ka haya Mahrez isla markaana soo raaciyay qoraal yar oo u dhacayay: “Adiga iib ma tihid.”.

lee

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close