Zidane oo beeniyay in PSG ay kala heshiiyeen iibka Jese Rodriguez

(Madrid) 03 Agoosto 2016 Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa beeniyay in kooxdiisu ay heshiis lagaartay dhigeeda PSG kaas oo ku aadan iibka Jese Rodriguez.

Zidane ayaa sheegay in kooxdiisu ay go’aan ka gaari doonto saxiixa Jese Rodriguez marka kooxdu ay dib ugu laabato magaalada Madrid.

Tababaraha reer France ayaase si maldahan u sheegay in Jese Rodriguez uu amaah ugu wareegi doono PSG isaga oo sheegay inuu goolal badan uu ka dhalin doono horyaalka Faransiiska.

“Ma jirto wax la dhamaystiray oo ku aadan Jese Rodriguez, mana jiro wax saxiix ah oo dhacay, laakiin arimuhu si fiican ayeey u socdaan” ayuu yiri tababare Zidane.

“Marka aan dib ugu laabano Madrid ayaan inbadan ogaan doonaa halka uu aadi doono Jese, Paris ma tahay meel u fiican isaga? haa, waxaan rumaysanahay inuu halkaas ku dhalin doono goolal badan”.

“PSG waa koox muhiim ah laakiin Real Madrid waa guriga Jese Rodriguez, noloshiisa oo idil halkaan ayuu joogay, mana garanayo inuu hal sano bixi doono kadibna uu halkaan ku soo laaban doono”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close