RASMI: Kooxda Inter Milan oo ku dhawaaqday saxiixa Antonio Candreva… (Daawo Sawirrada)

(Milano) 03 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee Waddanka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday inay dhammaystirtay saxiixa laacibka xulka qaranka Talyaaniga iyo SS Lazio ee Antonio Candreva.
Xiddigan ayaa tijaabada caafimaad ku maray Malpensa, waxaana uu kooxda u saxiixay heshiis afar sanadood ah.
Antonio Candreva ayaa qandaraaskiisu waxa uu ku kacayaa adduun dhan 22 milyan oo lagu daray 3 milyan oo bareemiyo ah, wuxuuna xiran doonaa lambarka 87-aad sida ay kooxdu shaacisay.
“Kooxda kubbada cagta Internazionale waxa ay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo saxiixa Antonio Candreva oo ka soo wareegay Lazio, xidigga reer Talyaani waxa uu dhamaystiray ku soo biiristiisa Nerazzurri, isagoo qalinka ku duugay heshiis dhacaya dhammaadka bisha June ee sanadka 2020.″ ayaa lagu yiri qoraal ay kooxda Inter Milan ku xaqiijisay saxiixa Candreva.
Antonio #Candreva has joined #Inter on a four-year contract!https://t.co/vkNGKslxjR #WelcomeCandreva#FCIM pic.twitter.com/8NgWYBvpB8
— F.C. Internazionale (@Inter_en) 3 August 2016
DAAWO SAWIRRADA:
Gool FM.