Jose Mourinho oo shaki la’aan sheegay inay kooxdiisu Man United la soo saxiixaneyso hal laacib oo kale….(Toloow waa kee ma Pogba mise?)

pogba

(Manchester) 03 Agoosto 2016. Jose Mourinho ayaa qiray in Manchester United ay la soo saxiixan doonto hal laacib oo kale wuxuuna kooxda ku booriyay inay soo gabo gabeyso heshiiska Paul Pogba inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka cusub.

Goal waxay fahansan tahay in United ay qarka u saaran tahay inay lacago rikoodh ah gacanta ugu soo dhigto wiilka reer France 110-milyan oo euro.

Mourinho ayaa durba xoojiyay dooqyadiisa isagoo la soo saxiixday Zlatan Ibrahimovic, Eric Bailly iyo Henrikh Mkhitaryan, wuxuuna sheegay tababaraha reer Portugal inuu filanayo in la dhammeystiro hal saxiix oo kale.

pogba_juve_getty_3472171

“Waxaan la soo saxiixaneynaa hal laacib oo kale, waa hubaal midaa,” Jose ayaa sidaa u sheegay BT Sport.

“Ma doonayo inaan ka hadlo Paul Pogba waa ciyaaryahan ka tirsan Juventus, mana ka helo in tababarayaasha kale ay ka hadlaan ciyaartoydeeda, aniguna kama hadlo ciyaartoydooda.

“Laakiin tan dhabta ah ayaa ah inaan la soo saxiixaneyno hal laacib oo kale, sida aad ogtahay suuqa wuxuu xirmi doonaa 31-ka Agoosto, waqti badan ayaan heysanaa si aan u sameyno midaa, laakiin sida cad waxaan jeclaan lahaa inaan sameeyo saxiixa inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka cusub.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close