Ilkay Gundogan oo Man City ku soo dhaweeyey saxiixa cusub ee kooxdaas Leroy Sane

Co1_R4RWYAAa6XB

(Manchester) 03 Agoosto 2016 – Kaddib markii kooxda Man City ay si rasmi ah u shaacisay saxiixa Leroy Sane oo ay ka soo qaateen Schalke04 ayaa laacibka horraantii xagaagan ku soo biiray kooxda City ee Ilkay Gundogan waxaa xidigga ay Jarmalka ka soo wada jeedaan ee Sane uu ku soo dhaweeyey Sky Blue.

Isagoo Ilkay Gundogan kooxda Man City ku soo dhaweynaya laacibka ay isku waddanka yihiin ee Leroy Sane ayaa waxa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka sawir labadooda oo xiran maliyadda kooxdooda cusub ee City, waxaana uu soo raaciyey qoraal soo dhaweyn ah.

Gundogan ayaa sawirka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ee idiin muuqda waxa uu soo raaciyey qoraal u dhignaa: “Soo dhawayn diiran saaxiibkey Leroy Sane”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close