Ancelotti oo iska fogeeyay in kooxdiisu ay la soo wareegayso Bastian Schweinsteiger

(Munich) 03 Agoosto 2016 Tababaraha kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa iska fogeeyay in kooxdiisu ay la soo wareegayso laacibka Man United ee  Bastian Schweinsteiger.

Ancelotti ayaa sheegay in saxiixa Bastian Schweinsteiger uusan ku jirin qorshaha kooxdiisa Bayern Munich laakiin wuxuu ku amaanay inuu ahaa laacib fiican oo horay u soo maray kooxda reer Jarmal.

Kabtanka Bayern ee Lahm ayaa horay u sheegay in kooxdiisu ay soo dhawayn doonto dib u soo laabashada Schweinsteiger, wixii ka danbeeyay waqtigaas saxaafada ayaa aad ula xiriirisay inuu dib ugu laabanayo gurigiisii hore.

Euro giant's manager rubbishes reports he wants to sign Man Utd star

Balse tababare Ancelotti oo aan la dhacsanayn fikirkaas ayaa yiri:

“Saxiixa Schweinsteiger kama mid ahan qorshaheena, laacib cajiib ah ayuu ka ahaa Bayern Munich iyo waliba kubadda cagta, laakiin waxaan rumaysanahay in waqtigaan uusan ahayn kii uu dib ugu soo laaban lahaa Bayern”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close