Xiriirka kubbada cagta Turkiga oo shaqada ka ceyriyay 94-Garsoorayaal kaddib af-gambigii dhicisoobay ee dalkaasi

tur

(Istanbul) 02 Agoosto 2016.  Xiriirka kubbada cagta dalka Turkiga ayaa shaqada ka saaaray 94 ka mid ah saraakiisheeda oo ay ka mid yihiin garsoorayaal, kaddib af gambigii dhicisoobay ee lagu doonayay in lagu rido madaxwayne Recep Tayyip Erdogan bishii la soo dhaafay.

Qaar ka mid ah militariga dalkaasi ayaa sameeyay isku dayga af gambi 15-ka bishii July, laakiin dowladda Erdogan oo taageero wayn ka heshay shacabkeeda ayaa ku guuleystay inay dib ula wareegaan xukunka.

Turkish FA fires 94 referees and officials after failed coup

Xiriirka kubbada cagta Turkiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (TFF) ayaan wax sharaxaad ah ka bixin saraakiisha ay shaqada ka ceyriyeen maanta oo talaado ah.

Laakiin jariiradda ka soo baxda dalkaasi ee Hurriyet ayaa warineysa in mid ka mid ah dadkii shaqada laga saaray uu ka mid ahaa garsoore ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee dalka Turkiga inkastoo aan la magac dhabin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close