Olivier Giroud oo la bar bar dhigay bartilmaameedka Arsenal ee Alexandre Lacazette

lacazette

(London) 02 Agoosto 2016. Arsenal waxaa la fahansan yahay in ay dalab diyaarineyso oo ay ka gudbiso Alexandre Lacazette, Sky Sports waxa ay sameeysay TUSME is bar bar dhig ah oo ay ku qiimeeneyso waxqabadka Giorud iyo Lacazette.

Xogtooda waa isku mid.

Iyada oo uu 9 kulan dheer yahay Giroud bartilmaameedka Guneers ee Lacazette waxa uu dhinaca Goolasha dheer yahay HAL kaliya.

Giroud waxa uu ka wanaagsan yahay Lacazette dhinaca daqiiqadaha ee Goolka ugu yimaado.

Laakiin Wariyaha Sky Sports ee soo gudbinaya is bar bar dhiga laba acib waxa uu sheegayaa in aysan wanaagsaneyn labadooda in la is bar bar dhigo madaama ay kala duwan yihiin Ciyaaryahan ahaan.

Hadana mar kale, Sky Sports waxa ay soo bandhigtay is bar bar dhigid u dhexeeya Walcott iyo Lacazette waxaana sareeya kolkan wiilka Lyon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close