Maxaa ka jira dalabka la sheegay inay Inter Milan u gudbisey Gabigol?

(Vila Belmiro) 02 Agoosto 2016 – Ma jiro wax dalab ah oo ay Inter Milan ku doonayso weerarka Gabriel Barbosa ama Gabigol, sida uu warfaafinta u sheegay madaxwaynaha Santos ee Modesto Roma.

Waxaa horraantii saaka soo baxaysey in ay Nerazzurri ay Juventus iyo Barcelona kaga dheeraysey heshiis ku kacaya €25m oo ay xiddigan kusoo xero gelinayso.

Yeelkeede, waraysi uu qaaday hilinka ESPN Brasil, ayuu badrooniga kooxdan reer Brazil ku beeniyay inay kooxda San Siro xitaa dalab usoo dirtay laacib-yarahan 19-jirka ah.

“Dalab Inter? Wax isoo gaarey ma jiraan.” ayuu isugu jawaabey Roma oo dhanka kale qiray inuu dalab ka yimi kooxda Juve.

“Juve? Waxaan iyaga waydiistey waqti dheeri ah oo aan go’aan ku gaaro.” ayuu raaciyey.

SANTOS, BRAZIL - NOVEMBER 05: Gabriel of Santos celebrates scoring the second goal during the match between Santos and Cruzeiro for Copa do Brasil 2014 at Vila Belmiro Stadium on November 5, 2014 in Santos, Brazil. (Photo by Friedemann Vogel/Getty Images)
SANTOS, BRAZIL – NOVEMBER 05: Gabriel of Santos celebrates scoring the second goal during the match between Santos and Cruzeiro for Copa do Brasil 2014 at Vila Belmiro Stadium on November 5, 2014 in Santos, Brazil. (Photo by Friedemann Vogel/Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close