Kulanka lagu sharfayo Wayne Rooney ee berito dhex maraya Man United iyo Everton oo taariikh ka sameyn doona Ingiriiska…(Wuxuu noqon doonaa kulankii ugu horreeyay ebid ee..)

Kulan

(Manchester) 02 Agoosto 2016. Masraxa riyada Old Trafford ayaa lagu wadaa inuu berito kulan qiimo wayn ku dhex maro kooxaha Man United iyo Everton ciyaar lagu sharfayo kabtankooda Wayne Rooney.

Ciyaarta ayaad ka daawan kartaa dhanka geeska Africa marka ay saacadu tilmaameyso 10:00 habeenimo.

Kulan sharafeedka Rooney ayaa ah u jeedkiisa ugu wayn in lacago badan uga soo xaroodaan hay’adda samafalka Rooney.

Baraha bulshada gaar ahaa FACEBOOK ayaad si toos ah uga daawan kartaa kulanka lagu sharfayo Rooney waxayna taa u sahleysaa in 1.7-bilyan oo dadyow ay daawan karaan kulanka.

Kabtanka Man United ayaa ka hor imaan doona kooxda yaraantiisa ee Everton kulanka habeen dambe ay ku ciyaari doonaan gegada Old Trafford.

Kulanka ayaa sidoo kale noqon doona kii ugu horreeyay uu Jose Mourinho ku ciyaaro garoonka Man United isagoo hor kacaya Red Devils.

Ciyaartan ayaa taariikh ka sameyn doonta Ingiriiska oo wuxuu noqon doonaa kulankii ugu horreeyay ebid ee dhex mara kooxo ka ciyaara Premier League ee si toos ah looga daawado Facebook.

Taageerayaasha ayaa awood u yeelan doona inay ciyaartaa si toos ah uga daawadaan bogga Facebook ee Rooney iyo midka Man United.

Lacagaha ka soo xarooda kulankan ayaa si toos ah ugu xaroon doona qasnada hey’ada samafalka Rooney kuwaa oo loogu deeqi doono caruurta ku dhibaateysan adduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close