Juventus oo u dhaqaaqi doonta saxiixa Blaise Matuidi haddii uu katago Paul Pogba

Matuidi

(Torino) 02 Agoosto 2016 Juventus ayaa durbadiiba bilowday raadinta badalka laacibka qadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo ku sii jeeda kooxdiisii hore ee Man United.

Maamulka kooxda Juventus ayaa u arka Blaise Matuidi laacibka kaliya ee ku haboon buuxinta booska Pogba maadama uu yahay laacib ay si fudud uga heli karaan PSG sida ay baahisay shabakada Mediaset.

Blaise Matuidi iyo Axel Witsel ayeey kooxdu u dooratay badalka Paul Pogba laakiin maamulka ayaa aad u doorbidaya xiddiga reer France kaas oo doonaya inuu katago kooxdiisa PSG.

Sidoo kale Juventus ayaa indhaha ku haysa laacibka qadka dhexe ee Chelsea Matic laakiin tababare Antonio Conte ayaan diyaar u ahayn inuu iska fasaxo.

Dooqa kaliya ee u furan Juventus ayaana ah 29 jirka reer France ee Blaise Matuidi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close