Inter Milan oo ku soo biirtay tartanka saxiixa Alvaro Morata

(Milan) 02 Agoosto 2016 Kooxda Inter Milan ayaa ku soo biirtay tartanka saxiixa weerar yahanka kooxda Real Madrid ee Alvaro Morata kaas oo xaggaagan dib ugu soo laabtay kooxda reer Spain.

Corriere della Sera ayaa baahisay in Inter Milan ay qayb wayn ka tahay kooxaha xiisaynaya saxiixa Morata kaas oo ah bartilmaameed kooda koowaad ee suuqa kala iibsiga.

Inter Milan ayaa u aragta Alvaro Morata badalka ku haboon ee weerar yahankooda Icardi kaas oo lala xiriirinayo Napoli oo xili hore iska fasaxday Gonzalo Higuain.

Kooxda reer talyaani ayaa u weecan doonta saxiixa Manolo Gabbiadini, Aubameyang, iyo Simone Zaza midkood haddii ay ku fashilanto soo xerogalinta Morata.

Alvaro Morata ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa Real Madrid xaggaagan kadib markii uu laba sano ku qaatay Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close