Chelsea oo diyaar u ah inay Loic Remy qeyb uga dhigto heshiiska ay dib ugu soo ceshaneyso Lukaku

lukaku1

(London) 02 Agoosto 2016. Chelsea ayaa diyaar u ah inay Loic Remy u bandhigto kooxda Everton si ay qeyb uga dhigto heshiiska 70-ka milyan ay dib ugu soo ceshaneyso weeraryahankeedii hore ee Romelu Lukaku sida uu qorayo warsidaha Daily Telegraph.

Weeraryahanka reer Belgium ayaa caddeeyay inuu doonayo dib ugu laabashada Stamford Bridge, labo sano uun kaddib markii Everton looga iibiyay adduun lacageed dhan 28-milyan oo bound.

Chelsea ayaa dooneysa inay jabiso rikoodhkeedii suuqa kala iibsiga si ay dib ugu hesho Lukaku, Remy ayaa iminka loo istimaali doonaa si logu xoojiyo heshiiska ay ku soo qaadanayaan 23-jirka, laakiin waxaa adkaan doonta in heshiiskaa la soo afjaro inta uusan bilaaban kal ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close