Boateng oo diyaar u ah inuu kabtan u noqdo xulka Jarmalka kadib iscasilaadii Schweinsteiger

(Berlin) 02 Agoosto 2016 Daafaca kooxda Bayern Munich Jerome Boateng ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay xirashada kabtanimada xulka qaranka Jarmal-ka kadib iscasilaadii Schweinsteiger.

Xiddiga kooxda Man United ee Bastian Schweinsteiger ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah maadama haatan uu dareemay inuusan wax badan u qaban karin xulkiisa.

Jerome Boateng oo lahadlay wargayska Bild ayaa yiri:

“Xaqiiqdii diyaar ayaan u ahay inaan xirto kabtanimada xulka qaranka waayo sharaf wayn ayeey iitahay aniga, waa jago muhiim ah maadama aad matalaysid dalkaaga”.

“Laakiin go’aanku waa mid dib ugu laabanaya tababare Joachim Low, waxaan rumaysanahay inuu qaadan doono go’aan sax ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close