Rooney oo daaha ka rogay, Daaficii ugu qatarsanaa, qadkii dhexe ee ugu cajiibsanaa iyo weeraryahankii ugu halista badnaa uu ebid ka horyimaado

yaad

(England) 01 Aguusto 2016. Kabtanka Man United Wayne Rooney ayaa mar uu wareysi siinayay www.waynerooney.com. Daaha ka rogay daaficii ugu adkaa, qadkii dhexe ee ugu cajiibsanaa iyo weeraryahankii ugu halista badnaa uu ebid wajoho waayihiisa ciyaareed.

Rooney ayaa daafaca Chelsea John Terry ku sheegay daaficii ugu qatarta badnaa uu ka horyimaado: “ Sida cad daaafaca ugu fiican waa John Terry, si fiican ayuu u aqriyaa kulanka, waa mid xoogan jir ahaan ayna aad u adag tahay inaad ka hor timaado.

30-jirka ayaa sidoo kale ku sheegay xiddigaha Barcelona ee Xavi iyo Lionel Messi qadkii dhexe iyo weerarkii ugu adkaa ebid uu wajoho waayihiisa ciyaareed.

Rooney reveals the toughest defender he's ever faced with Manchester United

“Qadka dhexe waxaan oran lahaa Xavi, wax kasta uu leeyahay, baas cajiib ah, aragti, hala abuur iyo hogaamin.

“Weeraryahanka ugu fiican waa Lionel Messi, fikrad ahaanteeda waa laacibkii ugu fiicnaa ebid, sharaf ayay ii tahay inaan isaga la wadaagay garoon.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close