RASMI: Xiddigii Barcelona ee Alex Song oo ku biiray Rubin Kazan

(Moscow) 01 Agoosto 2016 Rubin Kazan ayaa xaqiijisay inay la wareegtay laacibkii qadka dhexe ee kooxda Barcelona Alex Song kadib markii lafasaqay heshiiskiisa kooxda reer Spain.

Kooxda reer Ruush ayaa shaacisay inay la wareegtay 28 jirka reer Cameroon iyaga oo aan faah faahin heshiiska uu ugu biiray, laakiin waxay xaqiijiyeen inuu xiran doono lambarka “8”.

Alex Song ayaa u soo ciyaaray intabadan xirfadiisii kubadda cagta kooxda Arsenal oo uu ku qaatay waayo fiican laakiin laacib kaan ayaa ku fashilmay inuu boos joogto ah ka helo Barcelona kadib markii uu ku biiray.

Song ayaa amaah ugu ciyaarayay West Ham United labadii xiliciyaareed ee la soo dhaafay, wuxuuna haatan ku biiray kooxda Rubin Kazan ee dalka Ruushka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close