Neymar iyo Xaflad oo la kala reebi la’yahay (Markanna wuxuu casuumay dhammaan ciyaartoyda Xulka Brazil)

b89f10e0e1c03570298f9a127af0597e

(Rio), 01 Agoosto, 2016.      -Kaddib dhammaadkii ciyaartii saaxiibtinimo ee Brazil ay Japan uga badiyeen 2-0, waxaa Kabtanka xulka Brazil Neymar uu casuumay dhammaan ciyaartoyda xulkiisa isagoo u kireeyay Villo raaxo oo aad qaali u ah, taas buuq ka dhalisay shaarica Reer Brazil.
Sida ay shaacisay ‘UOL Sport’, Neymar ayaa kireeyay Guri weyn oo ku yaalla Alphaville districe, oo ku taalla halka ay deggan yihiin ciyaartoyda Brazil ee ka qayb galaysa Olombikada 2016, waxaana xafladdani ay imaanaysaa maalmo yar uun ka hor furitaanka Cayaaraha Olombikada Rio.
Neymar ayaa goor sii horreysay isbuucan waxa uu saxaafadda u sheegay in uusan joojinaynin nolosha xafladaha iyo Muusigga, taasina ay tahay noloshiisa gaarka ah oo uu isagu maamulkeeda leeyahay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close