Laacibka Liverpool ee Lucas Leiva oo diiradda u saaran kooxda Galatasaray

(Liverpool) 01 Agoosto 2016 – Laacibka khadka dhexe ee kooxda kubadda cagta Liverpool ee Lucas Leiva ayaa diyaaradda u saaran naadiga reer Turki ee Galatasaray, sida ay wararku sheegayaan.

29-sano jirkaan oo 24 kulan u saftay xulka qaranka Brazil ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyey ee heshiiska uu ku joogo garoonka Anfield.

Sida ay warinayso Sky Sports News, Lucas looma arko inuu ka mid noqon karo qorsha tababaraha Reds ee Jurgen Klopp, sababtaas darteedna waxaa laga yaabaa in kooxda Galatasaray ay la saxiixato isaga inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xiddigaha xagaagan.

Lucas ayaa 313 kulan u saftay kooxda Liverpool tartammada oo dhan tan iyo markii uu kaga soo biiray naadiga reer Brazil ee Gremio sanadkii 2007.

Barclays Premier League 2015/16 Liverpool v West Ham United Anfield, Anfield Rd, Liverpool, United Kingdom - 29 Aug 2015

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close