Kooxaha Roma iyo Napoli oo wada doonaya daafaca Man United ee Matteo Damian

(Manchester) 01 Agoosto 2016 –  Kooxaha Roma iyo Napoli ee ka wada dhisan Dalka Talyaaniga ayaa labaduba doonaya in daafaca Manchester United ee Matteo Darmian ay dib ugu celiyaan horyaalka Serie A.

Daafacan ayaa Red Devils kaga yimid kooxda Torino xagaagii hore adduun dhan 18 milyan oo euro, laakiin wali macadda inuu qeyb ka yahay qorshaha tababare Jose Mourinho ee xilli ciyaareedka soo socda.

Sida ay warinayso Sportmediaset, kooxda Giallorossi ayaa jeclaan lahayd inay xiddigan bedel uga dhigto Mario Rui oo ka dhaawacan, laakiin qiimaha ayaa noqon doona mid adag.

Man United ayeysan u badnayn inay ogolaato in Darmian uu amaah ku tago, haddii ay iibinayaanna waxaa ku waajib ah inay siistaan ugu yaraan adduun dhan 15 milyan oo euro.

Taasi waxa ay albaabka u fureysaa kooxda Napoli, taasoo dhankeeda eeg eegnaysa xiddig daafaca ka dheela kaddib markii ay Davide Santon kaga biiray Inter Milan.

darmian-462046

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close