James Rodriguez oo diyaar u ah inuu soo jiito tababare Zidane si uu u helo boos joogto ah

(Madrid) 01 Agoosto 2016 Laacibka reer Colombia ee James Rodriguez ayaa firfircooni kula soo laabtay kooxdiisa kadib markii uu soo dhamaystay fasixiisii xaggaaga.

James ayaa ku soo laabtay tababarka isaga oo culayskiisu uusan kordhin, wuxuuna diyaar u yahay inuu qanciyo tababare Zidane si uu u helo boos joogto ah.

25 jirka reer Colombia ayaa lala xiriiriyay inuu katagi doono Real Madrid xaggaagan laakiin rabitaanka laacibka ayaa noqday inuu u dagaalamo booskiisa Bernabeu.

James ayaa waji gabax kala kulmay qaab ciyaareedkiisa oo hoos u dhacay xiliciyaareedkii hore, taas oo keentay inuu kursiga keydka ka daawado Final-kii Champions League.

Laacibka ayaa ku rajo wayn inuu hormar badan samayn doono xiliciyaareed kaan si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkii horay looga bartay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close