Zidane oo ka codsaday Florentino Perez saxiixa laacib kaan…

Zidane

(Madrid) 31 Luulyo 2016 Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa hal codsi u gudbiyay madaxwaynaha kooxdiisa ee Florentino Perez kaas oo ku aadan suuqa kala iibsiga.

Shabakada Don Balon ee dalka Spain ayaa baahisay in tababare Zidane uu ka dalbaday madaxwaynaha kooxda saxiixa daafaca Bayern Munich ee David Alaba.

Zidane ayaa aad ula dhacsan 24 jirka reer Austria ee David Alaba kaas oo ku ciyaara lugta bidix isla markaana ka ciyaari kara boosas badan.

Alaba

Florentino Perez ayaa isku dayi doona in David Alaba uu soo caga dhigto Bernabeu xaggaagan laakiin waxaa la ogsoonyahay inay aad u adagtahay soo xerogalintiisa maadama Bayern Munich aysan diyaar u ahayn inay iska iibiso.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tababare Zidane uu u arko David Alaba badalka 3-boos, inuu badal fiican u noqon karo Pepe iyo Marcelo, iyo inuu badal u noqon karo booska garabka bidix ee weerarka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close