SAWIRRO: Kabtan Dhiidhiye oo koobkii u gacan galiyey madaxda Puntland halka Xiddigaha loo wada suray qoorta ubaxyo

(Garowe) 31 Luulyo 2016. Goor dhaweyd ayey Garowe, Caasimadda Puntland caga dhigatay diyaaraddii waday xulkii ku guuleystay koobkii Dowlad Gobolleedyada ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyey Talaadadii hore.
Puntland xulkeeda oo laba jeer ka baaqday dib ugu laabashadii deeganadooda sababo la xiriira casumaado loo fidanayey ayaa ugu dambeyn maanta ka amba baxay Caasimadda Dalka iyaga oo gaaray Garowe oo ay ku so dhaweeyeen Madaxda sar sare ee Puntland sida Maxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ku xigeenkiisa Injineer Cabdulaahi Caaji Xumar Camey, wasiiro iyo golaha shacabka xumbo ka socday.
Dhawaan ayaan idiin soo gudbin doonaa sida ay soo dhaweynta u dhacday.
Xuquuqda Sawiradda: Cali Cabdu Ducaale.
Gool F.