Kevin Gameiro oo ka hadlay sababtii Barcelona uu uga doorbiday Atletico Madrid

(Madrid) 31 Luulyo 2016 Weerar yahanka cusub ee kooxda Atletico Madrid Kévin Gameiro ayaa ka hadlay sababtii uu u doortay kooxda macalin Diego Simeone xili uu diirada u saarnaa Barcelona.

Kévin Gameiro ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Sevilla isaga oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Atletico Madrid oo tartan culus kala kulmaysay dhigeeda Barcelona.

Kadib markii Atletico ay xaqiijisay saxiixa Kévin Gameiro, Marca ayaa waraysi gaar ah layeetay 29 jirka reer France, wuxuuna sheegay inuu aad uga helay qaab ciyaareedka iyo hamiga kooxda Atletico.

جاميرو: فضلت أتلتيكو على برشلونة لهذا السبب!

“Waxaan aad uga helay qaabka iyo falsafada Atletico Madrid, markii aan horay ka ogaaday xiisaha ay ii qabaan aniga oo aan labalabayn ayaan horay ka aqbalay” ayuu yiri Kévin Gameiro.

“Waan ku kalsoonahay in xiliciyaareed cajiib ah aan la qaadan doono xiliciyaareedka cusub, lama hadlin qof aan ka ahayn tababare Simeone kaas oo igala soo xiriiray taleefanka, wuxuuna ii muujiyay sida uu ula dhacsanyahay qaab ciyaareed kayga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close