DHEGAYSO:Guddoomiye Cabdi Qani Siciid Carab oo faah-faahiyay ujeedka shirkii horumarinta Africa ee Nigeria ka dhacay,in tartamo cusub lasoo kordhin doono iyo arrimo kale oo muhiim ah+SAWIRRO

Gianni-Infantino-with-African-FA-presidents

(Muqdisho) 01 Agoosto 2016.Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Mudane Cabdi Qani Siciid Carab ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu uu magaalada Abuja ee dalka Nigeria kaga soo qayb galay shir ay isugu yimaadeen kudhawaad 20-dal madaxdooda dhanka kubadda cagta iyo siyaasada kulankaasi oo diirada lagu saarayay lagana arrin sanaayay sidii siyaasad horumarineed oo isku dhaf ah u gaari lahayd kubadda cagta ee Africa.

Madaxwaynaha FIFA Gianni Infantino ayaa kulankaasi shir guddoominayay waxaana soomaaliya iyo Jabuuti ay Noqdeen labada wadan ee kaliya laga xushay geeska Africa dhan in ay shirkaasi u matalaan waxaana joogay guddoomiye Cabdi Qani Siciid Cara.

Idaacada Cayaaraha ee Gool FM ayaa waraysi qaas ah la yeelatay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Mudane Cabdi Qani Siciid Carab kaasi oo si faah faahsan ugu warbixyay wixii Soomaaliya ka quseeyay shirkaasi,guulihii kasoo hoyday,balanqaadyadii loo sameeyay,Taageerada FIFA oo laba jibaarayo,sidoo kale waxaa uu ka hadli doonaa in uu xiriirka qorsheenaayo in uu tartamo kale oo cusub qabto,cayaarihii maamul Goboleedyada ee soo dhamaaday,kordhinta kooxaha heerka koowaad,gaarsiinta kubadda cagta dhamaan dalka hadii uu amniga hagaago iyo waxyaabo kale oo badan.

HADABA DHAGAYSO WARAYSIGA GUDDOOMIYE CABDI QANI SICIID CARAB:

SAWIRRO:

PIC.-20.-FIFA-PRESIDENT-VISITS-PRESIDENT-BUHARI-IN-ABUJA Gianni-Infantino-with-African-FA-presidents Gianni-Infantino-with-African-FA-presidents (1) gianni-infantino-in-nigeria_ane2rhjnio1k1dbsjibwgfh7p gianni-infantino-in-nigeria_3zchwyzo4a5j13m3ui7e5xhr2 gianni-infantino-in-nigeria_1grzmcis2wvo11ixsg1bp1heiw Bukola-Saraki-and-Gianni-Infantino 580022482 IMG_C70681-E8E882-FE5334-4D1E6C-C5144C-169BB9 IMG_9978 IMG_81E4CF-9D6182-1AAB81-2484A1-AAB637-D45515 FIFA IMG_81E4CF-9D6182-1AAB81-2484A1-AAB637-D45515 (1) 1271 A6D0120D-0EAB-4E02-B162-FD1AA531B911_w987_r1_s 3168 IMG_3039 IMG_2850

 

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close