DAAWO: Siduu ahaa fal-celinta Ibrahimovic markii Rashford uu rigoorada keensaday

ibra

(Manchester) 31 Luuliyo 2016 – Zlatan Ibrahimovic ayaa u muuqday mid aad ula yaaban wiilka da’da yar kooxda Man United Rashford, markii uu goolka rigoorada u keenay kulankii saaxiibtinnimo oo ay 5-2 uga badiyeen Galatasaray.

Ibrahimovic iyo Rashford ayaa wada ciyaarin, kulankan maxaa yeelay Ibrahimovic ayaa qeybtii dambe lagu bedelay Marcus Rashford.

Wiilka xawaaraha badan ee Man United Marcus Rashford ayaa kubbad, isagoo xawaare sare ku socday galay diilinta ganaaxa ee kooxda Galatasaray, waxaana uu goolhayaha kooxdaas ku qasbay inuu lugta ku dhego, iyadoo taasi ay keentay in Man United lagu abaal-mariyo gool ku laad.

Ibrahimovic ayaa aad ula yaabanaa farsamada da’yarta lagu bedelay oo kulanka wacdaro ka dhigay, waxaana uu sacbinayey isagoo amakaaksan ee hoos ka eeg muuqaalka:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close