Benzema oo shaki laga muujinayo inuu ciyaari karo Super Cup-ka yurub

(Madrid) 31 Luulyo 2016 Real Madrid ayaa helaysa war aysan ku farxin kadib markii labaahiyay in weerar yahanka reer France ee Karim Benzema uu shaki ku jiro inuu ciyaari karo Super Cup-ka yurub.

9-maalin ayaa haatan ka harsan ciyaarta, Benzema hal daqiiqo xitaa uma ciyaarin kooxdiisa Real Madrid kulamada saaxiibtinimo taas oo walwal badan ku abuurtay tababare Zidane sida ay baahisay AS.

Karim Benzema ayaa la dhibtoonaya dhaawac kaas oo ah mid uu la soo jiitamayay ilaa xiliciyaareedkii hore, tababare Zidane ayaa qorsheynayay in laacibku uu xoogaa daqiiqado ah ka ciyaaro kulanka arbacada ee Bayern Munich.

Haddii Benzema uu ku guul daraysto inuu soo kabsado ka hor kulanka Bayern Munich tababare Zidane kuma qamaari doono taam ahaanshihiisa kulanka Super Cup-ka yurub ee ay laciyaari doonaan Sevilla.

Zidane ayaa qorsheynayay inuu ciyaaro qaab ah 4-4-2 kulanka Sevilla, Benzema ayaana weerarka lamaane kula noqon lahaa Alvaro Morata si ay u buuxiyaan booska uu ka maqanyahay Ronaldo xili Bale uusan wali tababarka la bilaabin kooxdiisa.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close