Arsenal oo Napoli kula loolami doonta Mauro Icardi

(London) 31 Luulyo 2016. Arsenal waxa ay £50 million oo dalab ah qorsheneysaa in ay ka gudbiso weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi waa hadii ay ku fashilmaan helida Alexandre Lacazette, sidaas waxaa laga soo xiganayaa Daily Star.
Gunners waxaa la qabaa in dookha kowaad uu u yahay Lacazette, walow hore dalab ay uga soo diiday Naadiga reer France.
Yeelkeede, waxa ay loolan adag oo ku saabsan Icardi kala kulmeysaa Napoli.
Gool FM.