Robbie Keane oo ka fariisanaya ciyaaraha heerka caalami

(Ireland) 30 Luuliyo 2016 – Tababaraha xulka qaranka Republic of Ireland ee Martin O’Neill ayaa soo jeediyey in Robbie Keane uu isku diyaarinayo inuu ku dhawaaqo ka fariisashada ciyaaraha heerka caalami ama xulkiisa qaran.

36-sano jirkaan ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya dalkiisa, waxaana uu u dhaliyey 67 gool 145 kulan oo uu saftay xulkiisa qaranka Ireland xirfaddiisa oo ka soo bilaabanaysa 18 sano.

Sida laga soo xigtay O’Neill, Keane ayaa ka hadli doona mustaqbalkiisa usbuucyada soo aaddan, ka hor inta uusan xulka Ireland ka qeyb galin kulamada isreeb-reeebka Koobka Adduunka bisha September.

“Robbie waxa uu ku dhawaaqi doonaa ka fariisashadiisa ciyaaraha sida ugu quruxsan uguna dhaqsiyaha badan, waan ka tagi doonaa isaga.” ayuu O’Neill u sheegay Sky Sports News.

Keane ayaa laga yabaa in loo sameeyo munaasabad sagootin ah marka xulkiisa Ireland uu kulan saaxiibtinnimo kula ciyaarayo xulka Oman Dublin’s Aviva Stadium 31 bisha August ee soo aaddan.

robbie-keane-martin-oneill-republic-of-ireland-16112016_1hno0lcadctax1842hv8mfmvh1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close