NEYMAR-KA CUSUB: Kooxaha Inter Milan & Juventus oo isku garbinaya Gabigol

(Milano) 30 Luulyo 2016 – Kooxda Inter Milan ayaa Juventus kula dheggan dhaliyaha Santos usoo baxay ee Gabigol ama Gabrial Barbosa, sida ay wararku tibaaxayaan.

Qannaaskan reer Brazilian ayaa la rumaysnaa inuu qarka u saarnaa kooxda Bianconeri, maaddaama uu naadigu xaqiijiyey in dalabkoodii la aqbalay.

Yeelkeede, haatan waxay sheekadu u taallaa laacibka, balse Gazzetta dello Sport ayaa rumaysan inuu laacibku Serie A ka haysto dookh 2-aad.

Jeer laacib ay Inter doonaysey oo ah Gabriel Jesus uu u muuqdo mid u socda Manchester City, waxay wararku haatan sheegayaan inay Nerazzurri u weecan doonto Gabigol.

Waloow ay Old Lady tahay kooxda cad cad, misna Beneamata ayaa u diyaar ah inay ku fellisto 19-jirkan iyadoo miiska soo saaraysa €30m oo euro, taasoo soo jiidan karta laacibka, maaddaama ay 40 boqolkiiba ay milkiyaddiisa leeyihiin isaga iyo qoyskiisa oo ay lacagta qayb wayn ku yeelanayaan.

Sidoo kale, waxaan la iska indha marin karin Barcelona oo xiriir wanaagsan la leh Santos oo ay ka keensadeen Neymar oo haatan ka dheela amp Nou.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close