Kadib roobab wata dabayl iyo duufaan, waxaa la xaqiijiyay in kulankii Real Madrid iyo Chelsea laciyaari doono waqtigii la qorsheeyay

(USA) 30 Luulyo 2016 Qaban qaabiyayaasha koobka International Champions Cup ayaa xaqiijiyay in kulanka u dhexeeya Real Madrid iyo Chelsea laciyaari doono waqtigii loogu talo galay.

Garoonka ciyaartu ay ka dhacayso ee Michigan ayaa laga dayriyay cimiladiisa kadib roobab xoogan oo ka da’yay halkaas saacadihii la soo dhaafay.

AS ayaa baahisay in kulanku uu khatar ugu jiro in labaajiyo maadama cawska garoonka Michigan uu yahay mid cusub oo macmal ah, waqtina ay qaadanayso inuu laqo biyaha.

Laakiin Michigan Athletics ayaa baahisay goor dhaw in kulanka lagu ciyaari doono waqtigii horay loo qorsheeyay oo ah 10-ka habeenimo ee xiliga geeska afrika.

Albaabada garoonka ayaa haatan ah kuwo u furan taageerayaasha waqti dhan hal saac ayaana haatan ka harsan ciyaarta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close