Brazil oo Kummanaan kun oo Ciidan u diyaarsatay sugidda ammaanka Cayaaraha Olombikada 2016 + Sawirro

(Rio) 30 Luuliyo 2016 – Iyadoo usbuuc kaddib Waddanka Brazil ay ka furmi doonaan Cayaaraha Olombikada 2016 ayaa waxaa Booliiska iyo Militeriga dalkaasi ay la wareegeen sugidda ammaanka inta cayaaruhu socdaan.

Ku dhowaad 88,000 oo Militeri iyo Booliis isugu jira ayaa lagu firdhiyay goobaha ay ka dhici doonaan Cayaarahani, waxaana ciidammadani ay laba jibbaar ka badan yihiin kuwii sugayay tartankii Olombikada 2012 ee London.

Dhinaca kale Ciidammo gaar ah oo Booliis ah ayaa waardiye ka qabanaya halka ay deggan yihiin ciyaartoyda Waddanka Faransiiska oo iyagu hanjabaadyo culus kala kulmay kooxda la magac baxday “Daacish”.

Tartanka Olombikada 2016 ayaa furmi doona 05′ August, iyadoo la soo xiri doono 21′ August 2016.

Ciidammada Brazil ayaa garoommada kubadda cagta dibaddiisa isticmaali doona baaritaanno sida Raajada oo kale oo la marsiin doono dadka goobahaasi isugu soo baxaya si loo xaqiijiyo ammaanka.

SAWIRRO:

Rio

rio1

Rio2

rio3

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close