”Wiilkaygu wax khalad ah ma samaynin” – Higuain aabihii

(Beunes Aires) 30 Luulyo 2016 – Aabaha Gonzalo Higuain ayaa wiilkiisa difaacey, isagoo ku adkaysanaya inuusan wiilkiisu ku khaldanayn inuu ku biiro kooxda Juventus.

Waxaa si foolxumo badan ku dhamaaday xiriirkii u dhexeeyay laacibkan Pipita iyo badrooniga Napoli ee Aurelio De Laurentiis oo laacibka ku tilmaamay khiyaanoole, taasoo uu laacibku uga jawaabey inuu isagu ahaa ninkii ka dambeeyay inuu Napoli ka huleelo.

“Gonzalo wuu ka tegey Napoli maxaa wacay xiriirka isaga iyo madaxwaynuhu wuu burburay. Wax khaldanna muu sameeynin waayo heshiiska ayay qayb ka ahayd inuu ku biiri karo koox kale,” ayuu yiri Jorge Higuain oo la hadlayey El Exprimidor, waloow uu taageerayaasha Napoli ka dalbaday inay noqdaan rag abaal leh.

“Marka uu dib ugu laabto San Paolo waa inuu u dulqaataa aflagaadada iyo orrinta taageerayaasha, waana wax kubadda ka dhaca, lkn waxaan filayaa inaysan taasi dhicin, waayo wuxuu ahaa hoggaamiyihii Napoli kusoo celiyey Champions League.” ayuu raacshey.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close