SAWIRRO: AC Milan oo soo bandhigtay funaanaddeeda 3-aad ee 2016-17

(Milano) 29 Luulyo 2016 – Kooxda AC Milan oo haatan safar ciyaareed oo ay iskugu diyaarinayso fasal-ciyaareedka cusub ee 2016-17 u joogta dalka Maraykanka ayaa soo bandhigtay funaanadeeda 3-aad.

Kooxda Milan oo xilli-horaadkan USA uga qayb gelaysa tartanka horyaallada adduunka ee ICC ayaa funaanadda 3-aad u dooratay naqshad la yiraahdo “Night Cargo” oo ah cagaar dugul ah oo leh tafaasiil caddaan iyo casaan ah oo gacmaha uga shaqlan.

Astaanta ay ku caan baxday Adidas ee ah diilimaha dhaadheer oo awal matantaha ku ekaa, balse sanadkan funaanaddana lagu daray ayaa funaanadda labada dhinac kala socda.

Hoos ka eeg sawirrada.

b b1 b2

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close