Muxuu Conte ka yiri hadalkii Tevez ee ahaa in uu wacay balse ku hungoobay?

antonioconte-cropped_pm9nzd4evffo1p2ahxsm0q4wx

(London) 29 Luulyo 2016. Tababbaraha Chelsea Antonio Conte waxa uu muujiyey qiimaha uu u hayo Carlos Tevez laakiin waxa uu diiday in uu ka hadlo su’aal lagu weydiiyey in uu wacay Laacibka si uu uga soot ago Boca Juniors kuna biiro Blues.

Tevez waxa uu sheegay in Conte soo wacay isaga oo doonaya in ay dib ugu midoobaan Stamford Bridge, labadooda hore Juventus ayey wada joogeen.

Laakiin kulankii ay 1-0 uga badiyeen Liverpool, Conte waxa uu arintaas uga hadlay sidan:

‘Carlos waxa uu ahaa Ciyaaryahankeyga markii aan joogay Juventus waxaana wada qaaday Xilli Ciyaaree d wanaagsan.

‘Aad ayaan Ciyaaryahan ahaan in Nin ahaanba u qiimeeyaa Carlos.

‘Laakiin hada waxaan ogahay in uu yahay Ciyaaryahan Boca wax badan ayuuna u sameeyey si uu ugu laabto Argentina markaa waxaan isaga iyo qoyskiisa u rajeynayaa wanaag.’

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close