Madaxweyne Cumar Al Bashiir: “90% dadka Reer Sudan waxay taageeraan Barcelona”

(Khartoum) 29 Luuliyo 2016 – Xidigga Kooxda Barcelona ee Waddanka Spain Lionel Messi ayaa Funaanaddiisa lambarka 10’aad oo xambaarsan Saxiixiisa waxa uu u soo diray Madaxweynaha Waddanka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, iyadoo uu u soo marsiiyay hadiyaddan Ergayga gaarka ah ee Barcelona Alisa Blasco, taasoo Qasriga Madaxtooyada ku guddoonsiisay Madaxweyne Cumar.

Al-Bashiir oo wareysi siinayay Jariidadda ‘Al Seyxa’ ayaa waxa uu yiri “90% Shacabka Reer Sudaan waxay taageeraan Barcelona”.

Madaxweyne Al Bashiir ayaa sidoo kale waxaa la guddoonsiiyay Funaanad kale oo iyadana sidan oo kale uu ku saxiixan yahay dhaliyaha reer Brazil ee Barcelona Neymar, taasoo Al-Bashiirna uu ka mahad celiyay.

Albashiir

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close