Heshiiska uu Paul Pogba ugu biirayo Manchester United oo faah faahsan…Miyuu ka mushaar qaalisanaan doonaa Rooney iyo Ibrahimovic?

Paul-Pogba-694631

(Manchester) 29 Luulyo 2016. Laacibka France u dhashay ayaa ku dhaw in uu dhammeystiro ku biiridda Old Trafford isaga oo ku tegi doona qiime Rikoor ah.

Waxa uu ku baasay tijaabada caafimaad oo uu ku marat Los Angeles waxa uuna diyaar u yahay shan sano oo qandaraas ah in uu qalinka ugu duugo koox uu ka tegay 2012-kii.

Daily Star waxa ay sheegtay in qandaraaska Pogba uu 50% ku kordhinayo qiimhii hore ee ahaa £112m.

Sida ay warbixinta laga soo xiganayo, Pogba waxa uu saxiixii doona £275,000 oo uu toddobadkii ka qaadan doono Manchester United.

Taas waxa ay ka saramarin doontaa Zlatan Ibrahimovic, kaas oo qaata £260,000 asbuucii, laakiin MAYA kabtan Weyne Rooney.

Rooney oo jira 30 sano, ayaa wali ah Ciyaaryahanka ugu mushaarka qaalisan Kubadda Cagta Ingiriiska waxa uuna qaataa £300,000 toddobaadkii.

Shantaas sano waxa ay ka dhigan tahay in United ay Pogba heshiiskaas ku siin doonto £66m waana shan Xilli Ciyaareed.

Marka laga jaro canshuurta, Pogba waxa uu la hooyan doonaa £7.3m halkii olole.

Wakiilkiisa Mino Raiola waxa uu haatan ku sugan yahay Turin halkaas oo ku soo af meerayo iibka kalyantigiisa.

Raiola waxa uu doonayaa ku dhawaad £16m in uu ka helo ganacsigaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close