RASM: Waqtiga la dheeli doono koobka 3-geesoodka TIM oo la shaaciyey

(Reggio Emilia) 28 Agoosto 2016 – Maalmahanba waa la hadal hayey balse haatan waa rasmi, sida uu werinayo La Gazzetta dello Sport waxaa lagu dhawaaqay waqtiga la dheeli doono koobka 3 geesoodka ah ee TIM Trophy.

Koobkan Trofeo TIM ayaa 10-ka Agoosto lagu ciyaari doonaa gegada kooxda Sassuolo ee Mapei Stadium oo ku yaalla Reggio Emilia waxaana dufcadda Trofeo Tim 2016 uu u dhexeeyaa kooxaha AC Milan, Sassuolo iyo kooxda reer Spain ee Celta Vigo.

Koobkan 3 geesoodka ah oo markii hore u dhexeeyn jirey kooxaha AC Milan, Juve iyo Inter ayay haatan kusoo hartay kooxda Milan oo qura, waana tartan ay kooxiba ciyaarayso 2 kulan oo min 45 daqiiqadood ah, iyadoo ay maalgeliso sharikadda isgaarsiinta Talyaaniga ee Telecom Italia Mobile.

AC Milan's players celebrate after winning the triangular soccer match for the 2015 Trofeo Tim (Tim Trophy) between US Sassuolo, Inter FC and AC Milan at Mapei Stadium in Reggio Emilia, Italy, 12 August 2015. ANSA/ELISABETTA BARACCHI
AC Milan’s players celebrate after winning the triangular soccer match for the 2015 Trofeo Tim (Tim Trophy) between US Sassuolo, Inter FC and AC Milan at Mapei Stadium in Reggio Emilia, Italy, 12 August 2015.
ANSA/ELISABETTA BARACCHI

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close