Miyuu Diego Costa macsalaameeyay saaxiibadiisa Chelsea?….(Costa oo soo dhigay boggiisa SAWIR aad u cabsi galiyay taageerayaasha Blues)

costaa

(America) 28 Luulyo 2016. Diego Costa ayaa cirka ku sii shareeray qiyaas fikradeedkii laga qabay inuu ka tagayo Chelsea xagaagan kaddib markii uu boggiisa Instagram soo dhigay sawir aan looga baran waayahan.

Waxaa la warinayaa in kooxda La Liga ee Atletico Madrid ay ku dhawaaneyso heshiis ay la gaarto weeraryahankeedii hore ee Costa.

Kaddib ciyaartii saakay ay Blues goolka madiga ah kaga adkaatay Liverpool tartanka International Champions Cup ayuu weeraryahanka reer Spain u muuqday inuu macsalaameeyay saaxiibadiisa kooxda.

Costa ayaa boggiisa Istagram soo dhigay Sawir ay kula jiraan Kenedy, Willian, Cesc Fabregas iyo Pedro wuxuuna soo raaciyay qoraal u dhacayay sidan: “Aad ayaad u mahadasan tihiin dhammaan saaxiibadeyda”.

Sheekadan aan inbadan looga baran Costa ayaa laab kicis ku noqotay taageerayaasha Chelsea waloow uu tababare Antonio Conte geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayo sidii uu Stamford Bridge ugu sii heyn lahaa wiilka asal ahaanta ka soo jeeda dalka Brazil.

A photo posted by Diego Costa (@diego.costa) on

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close