DEG DEG: Wakiilka Paul Pogba oo la kulmay Juventus si uu dhammeeyo ku biiristiisa Manchester United

juventus-paul-pogba-serie-a-title_3752843

(Turin) 28 Luulyo 2016. Wakiilka Paul Pogba waxa uu wadahadalo dheeri ah la  qaadanayaa Juventus si uu u dhameeyo ku biirista Laacibka ee Manchester United, sidaas waxaa qabta Sky Italy.

Heshiiska waxaa hakad galinayey cidda bixineysa dhaqaalaha uu doonayo wakiilka Pogba marka ay timaado laba kooxood.

Raiola waxa uu dalbanayey 20 Milyan oo Euro  waxa uu hada la leeyahay Juve wadahadalo dheeri ah.

Pogba waxa uu Old Trafford ka aaday kooxda Serie A-ga ka dheesha afar sano laakiin waxaa iminka la qabaa in uu heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda.

Waxa uu sanadkii qaadan doonaa 13 Milyan oo Euro , 24 jirka waxa uu sidoo kale heli doonaa 7 Milyan oo Euro oo uu ka helayo xuquuqda sawirradiisa.

mino-raiola-paul-pogba_3751890

Raiola waxa uu u safray Miami halkaas oo uu Pogba ku qaadanayey fasaxa kaddib markii xulkiisa Fiinaalihii Euro 2016 looga adkaaday 1-0.

Dilaalka oo sidoo kale mataka Zlatan Ibrahimovic waxa uu iminka ku sugan yahay Italy si uu Bianconeri uga dhameeyo bixitaanka xiddiga.

United waxa ay hore u sameeysay saddex saxiix oo kale ah Eric Bailly , Henrik Mkhitaryan iyo Zlatan Ibrahimovic.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close