DEG DEG: Laacibkii diirada u saarnaa Liverpool ee Ben Chilwell oo heshiis cusub qalinka ugu duugay Leicester City

(Leicester) 28 Luulyo 2016 Kooxda Leicester City ee dalka ingiriiska ayaa si rasmi ah u shaacisay in daafacooda da’yarka ah uu qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah.

19 jirka reer ingiriis ayaa saxiixay heshiis 5 sano ah oo uu ku sii joogi doono garoonka King Power, wuxuuna iska dhagatiray dalabyo ka soo gaarayay kooxaha ugu tunka wayn ingiriiska.

Liverpool iyo Arsenal ayaa aad loola xiriiriyay saxiixa Ben Chilwell, laakiin laacibka ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay Leicester City isaga oo la joogi doona ilaa June 2021.

“Waa akhbaar noo fiican anaga, Ben Chilwell waa laacib leh mustaqbal wayn, aad ayaan ugu faraxsanahay in mustaqbalkiisu uu noqdo Leicester City” ayuu yiri tababare Claudio Ranieri.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close