Arsenal oo aad ugu sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa Riyad Mahrez

(London) 28 Luulyo 2016 Kooxda Arsenal ee dalka ingiriiska ayaa aad ugu sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa laacibka kooxda Leicester City ee Riyad Mahrez.

Le Buteur oo ah wargays ka soo baxa Algeria ayaa baaiyay in Arsenal ay aad ugu dhawdahay dhamaystirka saxiixa laacibkii ugu fiicnaa horyaalka ingiriiska xiliciyaareedkii hore ee Riya Mahrez.

Arsenal ayaa diyaar la ah aduun dhan 37 milyan oo Ginni si ay u soo afjarto saxiixa Riyad Mahrez kaas oo doonaya inuu ku biiro kooxaha ugu tunka wayn qaarada yurub.

Tababare Ranieri ayaa horay u sheegay in Mahrez uu sii joogi doono kooxdiisa isla markaana uusan ku biiri doonin kooxaha kula tartamaya horyaalka ingiriiska.

“Waan ku kalsoonahay in Mahrez uu nala sii joogi doono xiliciyaareedka cusub, waxaan haysanaa koox fiican oo u tartami karta markale Premier League” ayuu yiri tababaraha reer talyaani.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close