Sidee ayuu ku xulanayaa Kabtanka kooxda Guardiola inta uu dhaawaca ku maqan yahay Kompany?

manchester-city-pep-guardiola-relishing-chance-test-himself-premier-league

(Manchester) 26 Luulyo 2016. Tababaraha Manchester City Pep Guardiola  waxa uu sheegay in Ciyaaryahanada ay xulan doonaan Kabtankooda inta uu maqan yahay Vincent Kompany.

Daafaca Belgium-ka u dhashay waxa uu xilli ciyaraeedkii hore dhaawacmay shan jeer waxaana la filayaa in uu maqnaado ugu yaraan ilaa iyo bisha September kaddib markii uu qallin dhinaca gumaarka ah maray bishii Maajo.

Iyada oo hada Kabtanka kooxda ku magacaaban yahay Kompany hadana Guardiola waxa uu goostay in uu u daayo Ciyaaryahanada in ay doortaan midka ay rabaan waxaana ugu cad cad Joe Hart iyo Yaya Toure.

“Ciyaaryahanada waa in ay doortaan Kabtanka,” sidaas ayuu ku sheegay shirkiisii jaraa’id. “Waa in ay go’aansadaan. Hadii Vincent Kompany uusan dheeleen sababto waa in uu dhaawacan yahay, ma aha dhib weyn.

“Waxaan leenahay khibrad badan, Joe, Yaha. Aniga ma aha qolka dambe, kuma jiro shirarka. Waa in ay iyaga isu doortaan, iyaga ayaa si fiican isaga key yaqaan. Taas waa waajibaadkooda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close