RASMI: Villarreal oo la wareegtay weerar yahankii amaahda kula joogay Chelsea ee Alexandre Pato

(Villarreal) 27 Luulyo 2016 Kooxda Villarreal ee dalka Spain ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la wareegtay weerar yahankii amaahda kula joogay kooxda Chelsea ee Alexandre Pato.

Villarreal iyo Corinthians ayaa ka heshiiyay iibka weerar yahanka reer Brazil ee Pato kaas oo 6-bil oo amaah ah ku qaatay kooxda Chelsea.

Alexandre Pato ayaa qalinka ugu duugay kooxda Villarreal heshiis 4 sano ah, mana la shaacin qiimaha Corinthians ay uga iibisay kooxda reer Spain.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay loolankaan cusub ee waayahayga aan kula qaadanayo Villarreal, waxaan soo gaaray halkaan aniga oo qaba rabitaan badan” ayuu ku soo qoray Boggiisa Instagram-ka.

Alexandre Pato ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda AC.Milan markii uu ku biiray 2007, laakiin dhaawacyo badan oo hareeyay ayaa ku keenay inuu dib ugu laabto dalkiisa Brazil 2013.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close