RASMI: Ciro Immobile oo Lazio ku biiray

(Roma) 27 Luulyo 2016 – Kooxda SS Lazio ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu kooxda kusoo biiray weerarka Ciro Immobile, sida lagu caddeeyay webka rasmiga ah ee reer Biancocelesti.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Talyaani ayaa shalay caafimaadka ku maray Roma, isagoo ka yimi kooxda Sevilla, isla markaana amaah kula joogey kooxda Torino oo uu u dheelayey gelinkii 2-aad ee horyaalka.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa laacibka Stadio Olimpico lagu keenay €8.5m, taasoo kasoo horjeeda wararkii hore ee tibaaxayey in 26-jirkani uu amaah sanad ah ku imaayo.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close